19 October 2024. 
Shirkadda Air Tolerance iyo Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland oo wada gaadhey heshiis buuxa.

Kulan ka qabsoomay maanta xaruunta Hay'ada oo uu hogaaminayey maareeyaha guud Cumar-sayid Cabdillaahi oo ay weheliyaan Agaasimaha Machadka duulimaadada, iyo Agaasimaha duulimaadada iyo shuruucda ayaa heshiis buuxa lagula galay shirkadda Air Tolerance oo bixin doonta tababarka culuumta barashada duulimaadada iyo dayac -tirka diyaaradaha.

Maarreeyaha guud oo hadal ka jeediyey munaasibadda ayaa ku tilmaamay talaabadan mid ahmiyed weyn leh oo loo qaaday dhanka horumarka, taas oo waxtar weyn u leh da-yarta iyo guud ahaan qaranka Somaliland. Aasaaska machadka duulimaadada Somaliland oo uu hindisaheeda lahaa madaxweynaha qaranka Somaliland ayaa abuuraya mustaqbalka dhow in la helo muwaadiniin u dhashay wadanka oo u adeega danaha qaranka iyo dawladnimada. Machadka Duulimaadada Somaliland waxa uu ka koobnaan doonaa laba qaybood...
1) Barashada Duuliye ( Pilot-nimada) 
2) Barashada Dayactirka duulimaadada. 

Madaxa Shirkadda Air Tolerance. Mr Mirghani Hammed ayaa isna dhankiisa uga mahad celiyey Hay'adda heshiiska ay la gaadheen, waxa uu balan qaaday in ay soo saari doonaan duuliyayaal u dhashay wadanka oo leh khirbarad iyo xirfad buuxda, isla jeerkaana haysta shahaado caalami ah oo markhaati ka noqon doonta culuumta ay diyaariyeen.

Kadib waxa si wada jira heshiiska u saxeexay Maareeyaha guud ee Hay'adda Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan iyo Mr Mirghani Hamed oo ah madaxa shirkadda Air Tolerance. 

@Xafiiska Warbaahinta Hay'adda
[email protected] 
[email protected] 
63 4356952