29 july 2024.
Waxa xarunta Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland maanta nagu soo booqday xubno ka tirsan gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, waxaana warbixin guud siiyey maareeyaha Hay'adda Cumar-sayid Cabdillaahi oo uga waramay xiligan lagu jiro iyo shaqooyinka Hay'addu u hayso qaranka iyo bulshada Somaliland.
Warbixin guud kadib maareeyuhu waxa uu kormeer kusoo wareejiyey xubnaha madaarka caalamiga ah ee Cigaal iyo shaqada ka socota gudihiisa iyada oo lagu jiro xiligii Summer'ka ( xagaaga ) oo madaarka ay ka socoto shaqo aad u badan, maadaama ay xiligan oo kale yimaadaan dalka qurbajoogta ugu badan ee Somaliland.
Intaa kadib xubnaha gudida oo warcelin siiyey maareeyaha waxa ay sheegeen in ay ku bogaadinayaan Hay'adda waxqabadka muuqda iyo hanaanka shaqo ee socda, waxa ay sidoo kale maareeyaha uga mahadcceliyeen xilkasnimada iyo masuuliyadda qaran ee uu u hayo dalka iyo dadka reer Somaliland.
@Xafiiska warbaahinta Hay'adda
[email protected]
+252634356952