Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa Madaarka Caalamiga ah ee Berbera ku qaabilay wafdi sare

Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa Madaarka Caalamiga ah ee Berbera ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Mareykanka.
Xubnaha waftigaasi oo uu hoggaaminayey Safiirka Maraykanka Ambassador Richard Rilley iyo Taliyaha Hawlgalka Afrika ee Ciidanka Mareykanka (AFRICOM) General Michael Langley.
Wasiirka ayaa wafdiga siiyey faahfaahin buuxda oo ku saabsan kaabayaasha Madaarada Somaliland,
gaar ahaan Madaarka Berbera oo ah mid casri ah oo leh dhammaan imkaaniyaadka madaaradda caalamiga ah una diyaarsan inuu u adeego duulimaadyada kala duwan iyo diyaaradaha waawayn.
Waxa kulanka diirada lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa waxyaabaha danaha u wada ah labada wadan sida Ganacsiga, Amniga iyo Iskaashiga Difaaca.