Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan-galisay Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival Policy)

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan-galisay Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival Policy)
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu caddeeyay in la sii xoojiyey Siyaasadda dal-ku-galka furan,
taasi oo u sahlaysa dhammaan dadka u safraya Somaliland inay dal-ku-galka ka qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo Madaaradda kale ee Somaliland.
Siyaasaddan waxay Xukuumaddu uga dan leedahay fududaynta Safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha Bina’aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu caddeeyay inaan Somaliland lagu soo geli karin Visa ama Oggolaansho Dal-ku-gal oo ka soo baxay meel ka baxsan Hay’addaha Socdaalka ee JSL.
Ugu dambayntii Dhammaan Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland waxa la faray inay siyaasaddan la wadaagaan dhamaan xafiisyadooda (Stations) iyo Rakaabka soo raacaya.
Allaa Mahad Leh,
Fuad Ahmed Nuh
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Maadaaradda JSL
Hargeysa.